Somali News

Faahfaahino ka soo baxaya qarax ka dhacay Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qof isku soo xiray walxaha qaraxa uu isku dhex qarxiyay koox dhalinayro ah oo dooneysay inay ku biiraan ciidanka milatariga Soomaaliya.

Goobjoogayaal ayaa KNN u xaqiijiyay in qofka isqarxiyay uu dhex galay ku dhawaad 30 dhalinyaro ah, oo dooneysay iney ku biiraan ururka sagaalaad ee ciidanka kumaandooska Gorgor ee Turkidu tababaraan, kuwaas oo ku sugnaa banaanka xerada Gen Dhego badan oo ku taala degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale goobjoogayaasha ayaa sheegay in goobta laga qaaday 10 qof oo dhaawacyo kala duwan qaba.

Illaa hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxey hay’adaha ammaanka ee dawladda federaalka Soomaaliya, kaasi oo ku aadan qaraxa ka dhacay xerada tababarka ciidamada ee Gen. Dhego badan.

Sidoo kale ma jirto illaa hadda cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, waloow weerarrada sidan oo kale ah badanaa sheegtaan Al-Shabaab.