Warar ka imaanaya deegaan xebeedka Jazeera ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in shaqaale ka shaqenayay Kaawada dhulka laga qodo halkasna ku taalay soo duntay waxana ka dhashay khasaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Inta haatan la xaqiijiyey waxaa geriyooday afar ruux halka dhawaaca uu yahay labo qof, waxaana goobtii duntay ka socda gurmad loo sameenaayo qaar kamid ah shaqalihii halkaas ka howlgalaayey.
Saciid cali oo kamid ah dadka deegaanka jasiira ayaa KNN u sheegay in dad gaaraya Afar ruux oo mid ay tahay haweeney ay geeriyootay kadib markii ay ku soo duntay kaawo ay qodayeen oo ku taala deegaanka Jasiira ee duleed Muqdisho.
Xoghaya degmada wadajir ee gobolka banaadir Shukri Cali oo la hadashay KNN ayaa sheegtay in dadka uu dhaawaca kasoo gaaray halkaas ay u fidiyeen gurmad deg deg ah, Sidoo kale waxa ay sheegtay iney dadkan ahaayeen kuwa muruq maalka ah ee halkaas ka shaqeysan jaray.


