Somali News

Faahfaahino ku saabsan Qaraxii maanta ka dhacay Muqdisho

Muqdisho-KNN-Warar dheraad ah ayaa kasoo baxaya Khasaaraha ka dhashay qarax la sheegay in uu ahaa mid gaari lagu dhijyey oo abaarihii 10-kii barqanimo oo daqiiqado dhimman, maanta ka dhacay barta koontarool ee  Sayidka , halka  laga ilaaliyo madaxtooyada Villa Somalia, iyadoo qaraxu dhacay xilli ay saf ku jireen gaadiidka lagu hubiyo bartasi koontarool

Waxaa sidoo kale isla wadadaasi isticmaala mooto bajaajta oo loo ogolyahay in ay maraan, waxaana goobtu ay ahayd mid gebi ahaanba mashuul badani uu ka jiro.

Gaariga qarxay oo noociisa aan la sheegin, ayaa inta laga og yahay ilaa hadda waxaa la sheegay in uu kamid ah gaadiidka faraha badan ee safka ugu jiray in la hubiyo.

Saraakiil ka tirsan Booliiska Soomaaliya ayaa Radio kulmiye u sheegay in gaarigan ay tuhunsan yihiin in uu watay qof ka tirsan shaqaalaha dawlada islamarhaantaasina weli baaritaan  lagu hayo.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Xasan Cumar ayaa Warbaahinta kula hadlay goobtii uu qaraxa ka dhacay,waxaana uu xaqiijiyey dhimasho 3 qof iyo Dhawaaca 60 qof oo shacab u badan.

Ilo caafimaad oo aan xidhiidh la samaynay ayaa waxa ay noo sheegeen in khasaaraha dhimashada ay hayaan ay tahay 4 qof, halka dhaawacana ah noogu sheegeen 15 qof , kuwaas oo 3 ka mid ahi ay yihiin haween.

Dadka qaraxii maanta ku dhintay ayaa waxaa ka mid ahaa Bille Ismaaciil oo ahaa Agaasime ka tirsan Wasaarada Haween Soomaaliya.

Guddomiyaha aqalka sare CabdiXaashi Cabdullaahi ayaa isbitaalka Ex Digfeer ee loo yaqaano Erdogan ku booqday, xoghaye ku xigeenka Aqalka sare oo qaraxaasi ku dhaawacmay.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Xasan Cumar ayaa shaaca ka qaaday in baaritaan lagu hayo gaariga qaraxay sida uu u soo maray bartaasi koontarool ee ka horeeya midka Sayidka,qofkuu ahaa shaqsiga watay iyo xogaha  kale oo ku gadaaman qaraxan.