Somali News

Faahfaahino laga helayo howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab oo ka dhacay G/Hiiraan +Sawirro

Beledweyne-KNN-Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan qeybta 27-aad ay ka fuliyeen deegaano ak tirsan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Taliska guutada 5-aad qeybta 27-aad militeriga Soomaaliya ayaa hawlgallo burburin ah ooka dhan ah Al-Shabaab saacadihii la soo dhaafay ka fuliyey degaanada Baar, Jaambeyrow, iyo Caloolacad, oo dhaca galbeedka magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Howgalkaas ayaa la sheegay in ciidamadu ay ku burburiyeen, kuna qabsadeen deegaanadaan ay ku sugnaayeen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab, waxaana intii uu socday ay ciidamadu ku guleysteen in ay burburiyaan goobo ay kooxdu ku farsamayn jirtay waxyaabaha qarxa, sidoo kalena ay ku keydsan jireen dawooyinka, sida ay warbaahinta u sheegeen saraakiishii hoggamineysay howlgalka.