Uncategorized

Faarax Macalim oo dhaliilay madaxda Maamul Goboleedyada

Muqdisho-KNN-Xildhibaan Faarax Macalin oo horey u soo noqday Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya oo hadana ka mid ah Xildhibaanada baarlamaanka Kenya ayaa waxaa uu si qoto dheer u ugu hadlay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowlada federaalka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Waxaa uu Eedeyn kulul uu u jeediyay madaxda Maamul gobaleeyada ee ka jira dalka isagoona ku dhaliilay in ay qaa’inul wadaniyeen yahiin sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in heshiis aysan ka warqabin dowlada dhexe ay la galaan Iimaraadka carabta, taasi ay dhabar jab ku tahay dowlada dhexe.

Hadalka xildhibaanka ayaa imaanaya xili dalka Imaaraadka ay ku sugan yihiin Madaxweynayaasha Puntalnd iyo Juba-land, kuwaas kulamo la qaatay madaxda Imaaraadka.