Uncategorized

Faarax Macalim oo Talooyin muhiim ah ujeediyay Jabada ONLF ee wadahalka kula jirta Itoobiya.

Nairobi-KNN-Faarax Macalim Mohamed Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Baarlamaanka Kenya  oo wareysi siiyay Telefishin ku yaala magaalada Nairobi ee wadanka Kenya ayaa ka hadlay wadahadlo maalmihii la soo dhaafay Itoobiya iyo Jabhadda ONLF uga socday Wadanka Kenya.

Faarax Macalim ayaa dhaliilay wadahadalka waxa uuna sheegay in tani ay tahay Guul darada halgankii 100 sano ay soo waday Jabhadda dib u xuraynta Ogaadenaya ee ONLF itoobiyana ay doonayso dhulka Soomaali Galbeed muran la’aan ay maamusho.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in itoobiya ay wajahayso kacdoon dad weyne lana joogo xiligii ay ONLF ka faa’ideysan lahayd amaan darada iyo dhibaatooyinka siyaasadeed ee ka jira gudaha itoobiya balse aysan ahayn xiligaan ay wadahal la gasho Itoobiya.

Sidoo kale waxa uu sheegay in itoobiya ay dooneyso Khayraad isugu jira Patrol iyo Macdan la sheegay in ay dhax ceegaagaan dhulka Soomaali Galbeed si ay ugu kaabto dhaqaalo xumi haysata Qowmiyadaha kale ee Itoobiya.

Faarax Macalim ayaa sidoo kale sheegay in Itoobiya ay hadda maamusho qaar ka mid ah maamul gobaleedyada Soomaaliya, gaar ahaan Puntland, Soomaaliland, Jubbaland iyo Galmudug iyo koofur Galbeed.

Faarax Macalim waa siyaasi caan ka ah gudaha Kenya waana nin dhaliila Dowladaha Itoobiya iyo Kenya waxa uu aad uga hadlaa Arimaha Soomaaliya isagoo si gaar ah u dhaliila fargilinta Dowladaha dariska ah.

Hadalka ka soo baxay maanta ayaa ku soo beegmaya iyadoo wali Dalka Kenya uu ka socdo wadahadal u dhaxeeya Itoobiya iyo Jabhadda ONLF ee ka dagaalanta dhulka Soomaali Galbeed.