Somali News

Facebook oo labo sano xayiraad ah saartay cinwaanka Trump

Facebook Inc ayaa muddo labo sano ah xayiraad saartay akoonnada Facebook iyo Instagram ee madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump.

Bishii January ayaa laga mamnuucay isticmaalka barahaas, kaddib weerarkii dhismaha Capitol ee Mareykanka, balse bishii la soo dhaafay ayuu guddiga korjoogtada ee Facebook cambaareeyay tallaabadaas.

Mr Trump ayaa sheegay in tallaabadaas ay “aflagaaddo” ku tahay malaayinta qof ee u codeysay doorashadii madaxtinnimo ee sanadkii hore.

Tallaabadan uu qaaday Facebook ayaa imaaneysa iyadoo shirkaddu ay soo afjareyso siyaasaddeedii ay xasaanadda ku siin jirtay siyaasiyiinta.

Waxay shirkaddu sheegtay inaysan mar dambe siyaasiyiinta siin doonin xasaanad ay ku soo bandhigaan qoraallo aflagaado ay ku dheehan tahay.