Uncategorized

Falastiin oo maxkamada Caalamiga ah ee ICC u gudbisay dacwad ka dhan ah Israa`iil

Muqdisho-KNN-Wasiirka arrimaha dibedda ee falastiin Riyad al-Malki ayaa maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada ee Hague ka dalbaday in ay baaritaan ku sameyso waxa uu ku tilmaamay in ay tahay dadmbi dagaal oo ay geysatay Israel.

Waxa uu dacwad oogaha maxkamadda u sheegay in dib loo raaco dambiyada la qariyay oo ay ka midka yihiin dhul balaarsiga iyo waxa uu ku tilmaamay bartilmaameedsiga dibed baxayaasha aan hubeysnayn qaasatan kuwii ka dhacay garoonka Gaza.

Maxkamadda ICC ayaa furtay baaritaan ku aadan xaaladda Gaza seddex sano ka hor kadib dagaalkii Gaza ee 2014–kii

Wasiirka arrimaha dibedda ee Israel ayaa sheegay in tallabadaan ugu dambeysay ee falastiin ay qaaday ay tahay mid aan sharciga waafaqsanayn.

Toddobaadkii hore ayay ahayd markii dhimashadii ugu badnayd ay Qasa ka dhacday tan iyo dagaalkii 2014kii, masuuliyiinta Falastiinna waxay sheegeen in ciidammada Israa’iil ay dileen 55 ruux ayna dhaawaceen 2,700 oo kale.

Ra’iisulwasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in milatarigiisu ay iska difaacayeen Xamaas oo jihaaddoon ah oo uu ku sheegay in ay doonayaan in ay burburiyaan Israa’iil.

Hogaamiyaha Falastiin ayaa cambaareeyay kuna tilmaamay “xasuuq”. Qaramada Midoobayna waxay sheegtay “in uu dhacay xadgud laga caroodo oo xuquuqda aadanaha ka dhan ah”.

Falastiiniyiinta ayaa muddo todobaadyo ah dibadbaxayay hasayeeshee dhimashada ayaa sare u kacday maalinta uu Mareykanka safaaradda ka furtay magaalada Qudus.