Masuuliyiinta dowladda Falastiin ayaa ka hor yimid hadal uu shalay jeediyay Ra’iisul Wasaaraha Israel kaas oo ahaa in uu kor dhinayo dhismooyinka sharci darada ah ee uu kawado dhulka Falastiiniyiinta ee Daanta Galbeed.
Nabiil Cabdul Rudeenah, oo ah afhayeenka madaxwaynaha Falastiin Maxamuud Cabaas, ayaa sheegay in hadalkii Netanyahu uu jeediyay Axadii uu yahay mid aanan la’aqbali karin.
Mr Rudeenah ayaa intaasi ku daray in tilaabo walba oo nuucaasi ah aysan horseedi doonin nabad, amni ama xasilooni.
Qorshaha deegaameenta ayaa sharci daro ku ah markii loo eego shuruucda caalamiga ah iyadoona ay sidoo kale tahay teedka u dhaxeeya in heshiis nabadeed lagaaro.
Falastiiniyiinta ayaa raadinaya in msutaqbalka daanta galbeed iyo marinka Gaza noqdaan goobaha ay maamulaan iyagoona caasimadooda mustaqbalka u arka bariga Qudus oo ay Yahuudo xoog ku haysto.