Somali News

Fannaan Cabdi Tahliil Warsame oo Muqdisho ku geeriyooday

Allaha u naxariistee Fanaankii waynaa ee caanka ahaa Cabdi Tahliil Warsame ayaa Xalay ku geeriyooday magaaladda Muqdisho oo ku xanuunsanaa mudooyinkii u danbeeyay.

Sidaa waxaa KNN u xaqiijisay gabar uu dhalay Fanaanka oo lagu magacaabo Xamdi Cabdi tahliil warsame.

Fanaanka ayaa mudooyinkii u danbeeyay ku xanuunsanaa gurigiisa oo ku yaala magaaladda muqdisho, isagoo xanuunka haayay dhowr mar loo geeyay dalka dibadiisa balse lagu waayn waayay.

Geeridda Fanaanka ayaa waxaa ka tacsiyeey wasiirka warfaaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Maxamed Cabdi Xayir Maareeye isagoo Tacsi u diray dhamman qoyska,Qaraabadda iyo Ummadda Soomaaliyeed.

Waxa uu ahaa fanaan Soomaaliyeed oo aad looga yaqaanno gayiga Soomaalida, kuna caan baxay magaca( Cod Wanaagsane) sababta oo ah wuxuu ka mid ahaa kuwa ugu codka wanaagsan  fanaaniinta ku heesa Af-soomaaliga.

Tahliil heesihiisa aad ayaa loo jecelyahay waana mid ka mid ah fannaaniinta qiimaha ay aadka u jeceshahay umadda Soomaaliyeed.

Fanaanka Cabdi Tahliil Warsame wuxuu uu ku dhashay gobolada dhexe ee Soomaaliya sanadkii 1953dii taariikhda Miilaadiga.

Fanaanka Cabdi Warsame wuxuu leeyahay tiro badan oo heeso ah, kuwaasi oo iskugu jira wadani, jacayl, guubaabin, dhiirigelin, haasaawe, amaan, duco, wacyi, wargelin iyo wax-sheeg.

Fanaanku waxuu ka tirsanaa Hobolada Waaberi ee hoggaanka u ahaa fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed.

Fanaankani wuxuu heeso badan la qaaday hobolo dumar oo badan, kuwaasi oo ay ka mid yihiin fanaanada Xaliimo Khaliif Magool, Hibo Maxamed Codoon (Hibo Nuura), Maandeeq, Saynab Cige iyo kuwo kale oo badan. Si kastaba ha ahaatee, heesaha Cabdi Tahliil aad ayay u badan yihiin

kuwa ugu caansan waxaa ka mid ah:

Heesta onkod

Heesta Hoowlahaadii

Heesta Waayaha

Heesta Gobanimodoon: waxay si talantaali ah u wada qaadaan fanaanada Hibo Nuura

Heesta Casar

Heesta Sida Faras Bulaalo

Heesta Jacayl Aayatiin Leh.