Uncategorized

Fanaanada Sahra Axmed Jaamac oo ku geeriyootay Hargeysa

Hargeysa-KNN-Allaha U naxariistee waxaa goor dhow geeriyootay Fanaanadii Sahra Axmed Jaamac oo maalmihii dambe ku xanuun saneysay magaalada Hargeysa ee xarunta Soomaaliland.

Sahra ayaa ku geeriyootay Isbitaal maalmihii dambe lagu daweynayay oo ay jiiftay oo ku yaala magaalada Hargeysa.

Ehelada Marxuumada ayaa Idaacada Kulmiye u xaqiijiyay geerida Fanaanada Sahra Axmed Jaamac.

Fanaanada Sahra Axmed Jaamac ayaa ku dhalatay gobolka Togdheer waxaanse ku soo barbaaray magaalada Hargeysa, Sahra waxay sheegtay in ay Fanka soo gashay 1969 xiligaas oo da`adeeda ay ku sheegtay 13 sano jiro.

Allha u naxariisteen maanta ayey ku geeriyootay magaalada Hargeysa ee Soomaaliland halkaasi oo lagu wado in lagu aaso.