Somali News

Fanaaniin Qaran oo maanta dalka dib ugu soo laabtay

Mogadishu-KNN-Fanaaniinta Soomaaliyed ee Xasan Aadan Samatar iyo Axmed Cali Cigaal ayaa maanta yimid Magaaladda Muqdisho kadib sanado badan oo ay dalka dibadiisa ku maqnaayeen.

 Labadda fanaan ayaa waxaa ay qayb ka ahaayeen Wafdiga Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar geele ee maanta yimid Muqdisho.

Axmed Cali Cigaal iyo Xasan Aadan waa Fanaaniin Qaran oo ka mid ahaa Hoboladda Waaberi, waxay codkooda halaasiga ah magac iyo maamuus uga kasbadeen bulshadda Soomaaliyeed.

Markii la ogaaday in ay dalka yimaadeen waxaa Baraha Bulshadda qabsaday sawirkooda, iyadoo dadkuna ay aad usoo dhaweeyeen in fanaaniintu muqdisho ku soo laabtaan.

Sidoo kale fanaanka reer Jabuuti ee Cawaale aadan ayaa ka mid ah fananiinta maanta yimid Muqdisho.

Madaxweynaha Jabuuti iyo wafdiga kale ee Fanaaniintu ka mid yihiin waxaa loo soo galbiyay madaxtooyadda Soomaaliya, halkaas oo ay kulamo ku yeelan doonaan Labadda Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Jabuuti