Somali News

Faransiiska iyo Germany oo war ka soo saaray xiisada bariga Ukrain

Dowladaha France iyo Germany ayaa sheegay inay ka qeyb qaadan doonaan sidii ay u taageeri lahaayeen dejinta xiisada ka taagan bariga wadanka Ukrain oo maalmihii ugu dambeeyay ay ka jreen dhaq-dhaqaaqyo ciidan.

Todobaadkii tagay xuduuda Ruushka uu la wadaago Ukrain waxaa lasoo dhoobay ciidamo badan iyo gaadiid dagaal oo uu Ruushka leeyahay, kuwaas oo taageraya kooxaha doonaya inay ka go’aan Ukrain inteeda kale.

Wasiirrada arrimaha dibadda dalalka Germany iyo France ayaa bayaan ay wadajir usoo saareen waxay ku sheegeen inay taagerayaan madax-banaanida dalka Ukrain, ayna ku baaqayaan in xiisada aan la gaarsiin in dagaal uu qarxo xiligaan.