Somali News

Faransiiska iyo Iran oo ku heshiiyay in wada hadaladda dib loo bilaabo

Muqdisho-KNN-Faransiiska iyo Iran ayaa ku heshiiyey in ay isla eegaan xaalado sahli kara in dib loo soo celiyo wadahadaladdii Nuclear-ka Iran ee ay horay uga heshiiyeen Awoodaha Dunida iyo Dowladda Iran, sida uu sheegay Madaxweyne Emmanuel Macron.

Intii ay Telifoonka ku wada hadlayeen ayaa Madaxweyne Macron-ka faransiiska waxaa uu u sheegay Xasan Ruuxaani in heshiiskii 2015kii oo la jabiyo ay ka dhalan karto cawaaqib adag.

Ruuxaani ayaa dhankiisa waxaa uu dalalka Midowga Europe ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan in heshiiska la badbaadiyo.

Heshiiskii 2015kii ayaa sii liicayay tan iyo markii uu Mareykanku ka baxay sanadkii lasoo dhaafay.

Iran ayaa doo neeysa in laga qaado dhamaan cune-qabateynta uu mareykanku saaray si wada xaajoodka loo bilaabo, balse in taas la helo ayaa ah wax adag oo aan maamulka Trump ka suurta gelin.