Somali News

Faransiiska oo awood milatari ugu hanjabay Turkiga

Muqdisho-KNN-Madaxwaynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ku dhawaaqay in Faransiiku uu sare u qaadi doono milatarigiisa ku sugan bariga biyaha Mediterranean’ka xilli ay sii kor dheeso xiisada u dhaxeeso wadamada dariska ah ee Turkiga iyo Giriiga.

Biyaha lagu muran san yahay ayaa Turkigu damacsan yahay in uu kasoo saaro shidaal isagoona usoo diray maraakiib taas oo sara u sii qaaday xiisadii kala dhaxeesay Giriiga.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa twiter’ka ayuu madaxwayne Macron ku sheegay in maalmaha soo aadan uu xoojinayo ciidamadiisa ka joogo halkaasi isagoona sheegay in ay la shaqeenayaan kuwa Midowga Yurub oo ay qayb ka yihiin kuwa Giriiga.

Dowladaha ay xiisada u dhaxeeso ee Ankara iyo Athens ayaa labadaba kawada tirsan ururka Nato.