Somali News

Faransiiska oo cabasho ka ah wadamada mamnuucay wax yaabaha ay soo saaraan.

Dowladda Faransiiska ayaa waydiisatay qaar kamid ah wadamada bariga dhexe ku yaalo in aysan joojin badeecada ay soo saaraan.

Mamnuucida waxyaabaha laga soo saaro gudaha wadanka Faransiiska ayaa timid kadib markii madaxwaynaha dalkaasi Emmanuel Macron uu sheegay in ay sii wadi doonaan kartoomada lagu suurad xumeenayo nabi Muxamed N.N.K.H.

 Wadamada illaa iyo haatan laga diiday badeecada Faransiiska waxaa kamid ah Kuwait, Jordan iyo Qatar kuwaas oo alaabaha laga soo dhoofiyo Faransiiska laga saaray dukaamada ku yaalo dalalkaasi.

Sidoo kale waxaa dibad baxyo looga soo horjeedo Faransiiska ay ka dhaceen Libya, Suuriya iyo marinka Gaza.