Somali News

Faransiiska oo ku dhawaaqday in ay guulo ka gaartay la dagaalanka covid19

Madaxwaynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ku dhawaaqay in hoos u dhacii ugu waynaa uu ku yimid kiisaska caabuqa Karona taas oo keentay in si wayn loo dabciyo xayiraadihii dalkaasi saarnaa.

Maantaa oo isniin ah ayaa lagu wadaa in dib loo furo baararka, maqaayadaha iyo duulimaadyadii Yurub. Dadka ayaa awood u heli doona in ay booqdaan xubnaha eheladooda kuwaas oo kala irdhoobay tan iyo markii uu dilaacay saf-marka Covid-19.

Arintanna waxa ay kusoo beegmaysaa xilli wadamada ku yaalo qaaradda Yurub ay dib u furayaan xuduudaha ay wadaagaan.

Madaxwayne Macron ayaa qudbad uu si toos ah kaga jeedinayay television’ka ka sheegay in guushii ugu horeesay ay ka gaareen ladagaanka Covid-19 isagoona sidoo kale ka digay in Fayrusku uu dib ulasoo laba kacleeyay