Muqdisho-KNN-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa galabta kulan ku yeeshay magaalada Addis-Ababa ee dalka Itoobiya.
Kulankan ayaa waxaa soo qaban-qaabiyey ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, waxaana uu ka dhacay xafiiskiisa, sida aan wararka ku helnay.
Kulankan ayaa waxaa uu ahaa mid u gaar ah labada madaxweyne, mana jirin cid ka tirsan wafdigooda oo ku wehlisay, sida ay wararka sheegayaan.
Kulanka ayaa socda ku dhawaad saacad, mana cadda illaa iyo hadda waxyaabaha ay labada masuul uga wada hadleen, waxaase loo badinayaa in ay ka wada hadleen sida ugu haboon ee loo bilaabi karo wadahadalladii Soomaaliya iyo Somaliland.
Waa markii ugu horraysay ee ay kulmaan Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Muuse Biixi Cabdi, iyadoo dhowr jeer ay wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland ay fashilmeen.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa aad ugu dhawaa dowladda Itoobiya sanadihii u dambeeyey, halka Somaliland ay sidoo kale xiriir wanaagsan la leedahay Itoobiya, waxaana la aaminsan yahay in labada dhinac in ay isisoo hor fariistaan uu ku cadaadiyey Abiy Axmed.


