Somali News

Farmaajo iyo Rooble oo Hambalyo ku aadan Ciida u diray Bulshada Soomaaliyeed

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay dhammaan muslimiinta meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaan dadka Soomaaliyeed Munaasabadda barakeysan ee Ciidul Fidriga.

“Munaasabadda Ciidda, waxaan farxaddeeda si gaar ah ula qeybsanayaa Halyeeyada Ciidamada Qalabka Sida. In shacabka Soomaaliyeed, ay si nabad ah ku soomeen Bisha Ramadaan sannadihii la soo dhaafay,  waxay ku timid, Alle fadligiis ka sakoow, halgan iyo howl badan oo ay qabteen Ciidanka Soomaaliyeed” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Hambalyo ku aadan Ciidul Fitriga u diray Bulshada Muslimiinta iyo dadka Soomaaliyeed, isaga oo ugu baaqay in ay iscaawiyaan.

“Ciiddu waa munaasabad farxadeed, sidaas darteed waxaan ka codsanayaa shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka Eebbe wax siiyay in la caawiyo dadka danyarta ah, lagana farxiyo iyaga iyo qoysaskooda si ay u dareemaan farxadda Ciidda” ayuu yiri Rooble.