Somali News

Farmaajo iyo Rooble oo war kasoo saaray geerida Ugaas Xasan

Muqdisho-KNN-Madaxda dowladda federaalka, sida ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha ayaa qoraal ay soo saareen uga tacsiyadeeyey geerida ku timid Allaha u naxariistee Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ahaa ugaaska mid ka mid ah beelaha dega gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Ugaaska ayaa xalay cudurka Coronavirus ugu geeriyooday magaalada Muqdisho.

Ugu horeyn qoraal lagu baahiyey barta twitterka ra’iisul wasaare Rooble ayaa lagu yiri, “Waxaan Qoyskiisa,Asxaabtiisii & Guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa geerida naxdinta leh ee ku timid  Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ka mid ahaa duubabka dhaqanka Soomaaliyeed. Jannadii Firdows Allaha ka waraabiyo ehelka & ummaddana sabir iyo iimaan Allaha ka siiyo.”

Dhanka kale qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweyne Farmaajo ayaa lagu yiri, “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada Gobolka Hiiraan ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle oo caawa uu ka baxay Alle ha u naxariistee Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble.”

Madaxweynaha ayaa xusay in Ugaasku uu ahaa hurmuud dhaqan oo lagu soo hiran jiray, door muuqdana ka soo qaatay dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed, adkeynta wadajirka iyo dadaalladii dib u dhiska dowladnimada.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Alle ha u naxariistee Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo ka mid ahaa tiirarka dhaqanka Soomaaliyeed oo caawa ku geeriyooday magaalada Muqdisho. Ugaasku waxa uu astaan u ahaa saldanad dhaqan oo facweyn oo kaalin muhiim ah kaga jirtay wada noolaashaha bulshada Gobolka Hiiraan iyo guud ahaan dalka,” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Ugu dambeyntii Madaxweyne Farmaajo ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.