Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta ayaa goordhow waxaa ay shir jaraa’id ku qabteen Hotelka uu Madaxweyne Farmaajo ka daganyahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
kulanka labada Madaxweyne ayaa waxaa looga hadlay arimo ay ka mid yihiin in dib loo soo celiyo duulimaadkii tooska ahaa ee magaalooyinka Nairobi iyo Muqdisho, iyo sidoo kale in shaqaalaha dowladda loo ogolaado in Viisaha dal Ku galka Kenya lagu siiyo garoonka diyaaradaha ee Magaalada Nairobi
Sidoo kale labadda madaxweyne ayaa ku heshiiyay in si wadajir ah looga wada shaqeyo dagaalka ka dhanka ah dagaalamayaasha Al-Shabaab iyo in Sare loo qaado xiriirka ka dhaxeeya labadda dal.
Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya marnaba shirkooda jaraa’id kuma soo hadal qaadin kiiska badda ee u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Kenya
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in qodobada kor Ku qoran ay Ku heshiiyeen labada dowladood , islamarkaana aan laga wadahadlin arimaha la xiriira muranka badda ee u dhexeeya labada dowladood
Khilaaf xoogan ayaa haatan waxaa uu u dhexeeyaa dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya, taasi oo ka dhalatay arinta la xiriirta muranka badda, xili ay xusid mudan tahay in kiiska dacwada badda ee labada dal uu horyaalo maxkamada ICJ


