Somali News

Farmaajo iyo Xasan Shiikh oo u gudbay wareega ugu dambeeya ee Doorashada

Waxaa goordhow la soo gaba gabeeyay tirinta codadka Wareega 2-aad ee Doorashada Madaxweynaha oo ka socota Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Shiikh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa ku dhowaaqay Natiijada Doorashada oo ay ku tartameen Afar Musharax.

1- Saciid Cabdullaahi Deni waxaa uu helay 65
2-Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa uu helay 83
3-Xasan Cali Khayrre waxaa uu helay 63
4-Xasan Shiikh Maxamuud waxaa uu helay 110

Sidaasi darteen, waxaa wareega saddexaad u gudbay Musharaxiinta kala ah
1-Maxamed Cabdullaahi Farmaajo
2-Xasan Shiikh Maxamuud
Waxaa coddeeyay 328 xildhibaan oo ka tirsan Labada Gole ee Baarlamaanka, marka laga soo tago cododka ay heleen Musharixiinta waxaa hallaabay 4 cod.