Somali News

Farmaajo oo booqday xarunta degmada Hawl-wadaag

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa waxa uu booqday xarunta degmada Hawl-wadaag, oo dhowr maalmood qarax lala beegsaday.

Guddoomiyaha degmada Hawl-wadaag mudane Cabdikariin Cali Kaar ayaa madaxweyne Farmaajo warbixin ka siiyay sidii ay wax udhaceen, intaa kadibna madaxweynuhu warbaahinta ayuu la hadlay, waxa uuna sheegay in arrintani ay musiibo tahay.

Xarunta degmada Hawl-wadaag oo Shabaab ay weerar ismiidaamin la beegsadeen, ayaa waxyeeladdii ugu badneed waxa ay soo gaartay dadka rayidka ah.