Somali News

Farmaajo oo hor-tegaya xildhibaanada waqtigu ka dhamaaday ee golaha shacabka

Xildhibaanada waqtigu ka dhamaaday ee golaha shacabka ayaa maanta yeelanaya kulan deg deg ah, kaas oo dib loogu noqonayo go’aankii ay dhawaan ku sameysteen mudo kororsiga.

Madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa maanta hor-tegaya xildhibaanada golaha shacabka, waxuuna ka hor jeedi doonaa khudbad ku saabsan arrimaha doorashada dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa todobaadkii tegay balan qaaday in Sabtida maanta ah ee 1-da bishan May uu hor-tegi doono xilhibaanada golaha shacabka.

Balan qaadka madaxweynaha waxa uu yimid markii fashil iyo cadaadis xoog leh uu soo wajahay go’aankii ay mudo kororsiga sharci darrada ah ku sameysteen, isaga iyo xubnaha golaha shacabka.

12-kii bishii dhamaatay ee April ayey xildhibaanada golaha shacabku ku dhiiradeen inay laba sano ku kordhistaan mudo xileedkooda, balse taasi waa socon weysay, waxayna kaliftay in lagu dhex dagaalamo caasimadda, kadib markii ciidankii xoogga dalka uu furimaha ka soo baxay, isagoo ka hor tegaya mudo kororsiga.