Dhuusamareeb-KNN-Kulan ay saxaafaddu dibad joog ka eheed oo maanta magaalada Dhuusamareeb ku dhexmaray hoggaanka Ahlu-Sunna iyo madaxweyne Farmaajo ayaa ku soo dhamaaday is fahmi waa, kadib markii sida la sheegay uu madaxweyne Farmaajo ka biya diiday aqbalidda qaar ka mid ah qodobadii ay soo hor dhigeen hoggaanka sare ee Ahlu-Sunna.
Ahlu-Sunna ayaa madaxweynaha ka dalbatay qodobo ay ka mid yihiin in dowladdu ogolaato garaadaha saraakiishii Ahlu-Sunna, xildhibaano iyo lacag horay loogu balanqaaday.
Farmaajo ayaa la sheegay in uu ogolaaday in Ahlu-Sunna lasiiyo lagactii horay loogu balanqaaday loona qarameeyo garaadaha saraakiishoodii, balse uu diiday in loo madax baneeyo saami ay ku yeeshaan xildhibaanada cusub ee uu yeelanayo maamulka Galmudug.
Kulankaas ayaa kusoo dhamaaday is fahmiwaa, waxaana soo gaba-gaboobay safarkii uu Farmaajo ku joogay Dhuusamareeb isaga oo gabal dhicii galay soo gaaray magaalada Muqdisho oo uu caawa ku suganyahay.