Somali News

Farmaajo oo markii ugu horeysay New Yok uga qeybgalaya kulanka guud ee QM

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ayaa maanta ku wajahan magaalada New Yok ee dalka Marykanka, halkaas oo uu uga qayb galayo shirka 74-aad golaha guud ee Qaramada Midoobey.

Madaxweyne Farmaajo ayaa qudbad ka jeedi doona kulankaas ay is kugu imaanayaan Hoggaamiyaasha Caalamka,  waxaana kulankaan 74-aad ee Qaramada Midoobey looga hadli doonaa sida la sheegay, arimo ay ka mid ihiin, ‘Dib u xoojinta dadaallada lagu dabar-goynayo saboolnimada, baahinta waxbrasho tayo leh iyo ka hortagga dhibaatooyinka isbeddelka cimilada’.

Waa markii ugu horeysay tan iyo markii la doortay uu shirkaan ka qeyb galo madaxweyne Farmaajo, waxaana labadii sano ee lasoo dhaafay shirkaas uga qeyb galayay Soomaaliya Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre iyo wasiirka arimaha dibadda, madaxweynaha ayaa wixii haatan ka horeeyay waxa uu culeys ka heystay dhalashadiisii labaad ee uu ka heystay dalka Mareykanka, taas oo uu hadda iska celiyay. 

Ajandeyaasha ugu waaweyn ee Hoggaamiyayaasha Caalamku ay kaga arrinsan doonaan shirka 74-aad ee golaha Qaramada Midoobey ayaa waxaa ugu muhiimsan xoojinta fursadaha shaqo iyo siyaasadeed ee dhallinyarada, xal u helista colaadaha iyo khilaafaadka caalamiga ah, kobcinta dhaqaalaha, ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo mideynta dadaallada lagu wajahayo waxa loogu reero argagixisada.