Somali News

Farmaajo oo xariga ka jaray dhisme ay iibsatay safaarada Somalia ee Washington, Sawirro:-

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xariga ka jaray dhismaha cusub ee safaaradda Soomaaliya ee dalka Mareykanka.

Dhismahan oo ku yaalla Address-ka, 1609 22nd St NW, Washington, DC 20008, ayaa waxaa dhowaan iibsaday Soomaaliya, wuxuuna horey u ahaa safaaradda Columbia ay ku leedahay Mareykanka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xiliga uu xariga ka jarayay dhismaha Safaaradda Waxa uu ka yimid magaalada New York, halkaas oo uu uga qeyb-galay shirkii golaha guud ee QM, halka safaaraduna ay ku taallo bartamaha magaalada Washington DC.

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay munaasabadda furitaanka ayaa sheegay in Soomaaliya ay ahmiyad weyn u leedahay in ay safaaradda ugu dambeyn degan tahay guri ay leedahay dowladda Soomaaliya, isagoo sheegay in tobaneeyo sano ay safaaraddu daganeed dhisme kiro ah.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Maraykanka ayaa ku boorriyay Madaxweyne Farmaajo in ay wada shaqeyn dhaw la yeeshaan diblomaasiyiinta safaaradda, isagoo tilmaamay in dhismahan uu yahay hanti ay leeyihiin shacabka iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.