Somali News

Farmaajo & Shariif oo hambalyo la xiriirta 1-da la wadaagay Umadda Soomaaliyeed

Madaxweynayaashii hore ee dalka iyo siyaasiyiin xilal kala duwan soo qabtay ayaa umadda Soomaaliyeed la wadaagay Hambalyo la xiriirta munaasabadda 1-da oo ay kasoo wareegatay 62-sano.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo qoraal uu soo saaray ayuu ku sheegay in shacabka Soomaaliyeed uu la qeybsanaayo farxadda dabbaal-degga munaasabadda 62 guurada ka soo wareegtay maalintii Gobollada Koonfureed ee dalkeennu ay xorriyadda ka qaateen Talyaaniga, isla markaana ay Woqooyi iyo Koonfur midoobeen.

“Xuska iyo weynaynta munaasabadaha xorriyaddu waxay dib inoo xusuusinayaan waddaniyaddii, Soomaali jacaylkii iyo sooyaalka halgameyaashii iyo dhaqdhaqaaqyadii gobannimo doonka, kuwaas oo dhammaantood halgan adag u soo galay soo dhicinta gobannimadeenna, waana in aynu sooyaalkooda ka qaadannaa cashar aynu ku dabbaqno nolosheenna maanta, innaga oo xoojinayna dal jacaylka, walaaltinimada iyo midnimada dhexdeenna ah.” Ayuu yiri ugu dambeyn Madaxweyne hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sidoo kale, Shariif Shiikh Axmed Madaxweynihihii hore ee Soomaaliya ayaa isna dhankiisa umadda Soomaaliyeed la wadaagay hambalyadda xuska 1-da Luulyo, taas oo kasoo wareegatay 62 sano, waana markii ay xoroobeen gobolada Koofureed, isla markaana ay midoobeen Waqooyi iyo Koofur.

“Caawa oo kale waxa ay aheyd dhacdo taariikhi ah oo ku asteysan xorriyad iyo midnimo, munaasabaddan awgeed waxaan dadka Soomaaliyeed iyo Hoggaanka dalka u jeedinaya in la xoojiyo walaalnimada iyo isku soo dhoweynta bulshada Soomaaliyeed.” Ayuu yiri Shariif Shiikh Axmed.

Madaxweyne hore Shariif Sh. Axmed ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in Dadka Soomaaliyeed ay iskaashato is garab qabato keeda abaartu hayso si  buu yiri aan u gaarno asaageen, isagoo xusay in sharafkeena aan kor ugu qaadi karno wadajir iyo Soomaalinimo.

Sidoo kale, dhankiisa Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha bini’aadanimada Xil. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa isna umadda Soomaaliyeed u dhambaal hambalyo ah u diray kaas oo la xiriira xuska sannad guurada 62-aad, taas oo ay kasoo wareegatay 62-sano, waana dharaartii ay heeryaddii gumaysiga iska rogeen Goballada Koonfureed ee dalkeenna kuna midoobeen labadii gobal ee Waqooyi iyo Koofur.

“Qiimaha ay noo leeyihiin maalmalaha xorriyadda awgeed, aan awooddeenna isugu geyno, sidii aan gaajada, harraadka, hoy la’aanta iyo cudurrada abaaraha ka dhashay aan ugu dul qaadi lahayn dadkeenna tabaaleysan ee is-baddelka cimiladu sida taban u saameeyay.” Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame Ergeyga gaarka ah ee arrimaha Bini’aadanimada.

Ugu dambeyn, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ugu mahadceliyay inuu faray in hanti badan oo dabaal degga maalmaha xorriyadda ku bixi laheyd loo leexiyo gurmadka abaaraha iyo gargaarka dadkeenna, kuwaas oo u baahan garab istaag.