Somali News

Farxaan Jimcaale oo maanta xilka la wareegay

Farxaan Maxamed Jimcaale ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay xilka Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha, kadib munaasabad kooban oo lagu qabtay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre.

Munaasabadda xil wareejinta labada agaasime, waxaa goob joog ahaa Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska RW Mudane Maxamed Abuukar Subeer iyo Howl Wadeenna Xafiiska Warbaahinta.

Agaasimaha cusub ee Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Farxaan Jimcaale, ayaa xilkaas maanta kala wareegay

ayaa xilkaas maanta kala wareegay Liibaan Cabdi Cali.

Saddexdii bishaan July ayey ahayd, markii Ra’iisul Wasaare Xamse uu sameeyay magacaabistiisii ugu horreeysay, isagoo aan soo dhisin wali golohiisii Wasiiradda, balse dhawaan ayaa la filayaa inuu soo magacaabo, islamarkaana uu horgeeyo Baarlamaanka Soomaaliya si codka kalsoonida u siiyaan.