Muqdisho-KNN-Cabdi Daahir Guure (karoore) gudoomiyaha magaalada bulla burde ee gobalka hiiraan oo wareysi siiyay IdaacaddanKulmiye ayaa Waxaa uu sheegay in webiga shabelle uu fataahad ku dhufatay magaalada bulla burde ee gobalka Hiiraan,islamarkaana uu saameyn ku yeeshay isku socodka gaadiidka iyo Dadka Shacabka ah ee istcimaala guda Magaaladaasi.
Sidoo kale Waxaa uu ku baaqay gudoomiyaha in loo gurmado shacabka ku nool Magaalada Buulla Burde ee gobalka hiiraan,maadaama xiligan dhibaato ay soo wajahday Shacabka Ku nool magaaladaasi.
Webiga Shabelaha ayaa labo mar waxaa uu fahataad ku dhuftay Magaalada Baladweyne ee gobalka Hiiraan,iyadoona Xiligan daadaadkii ku soo rogmaday magaalada dib ugu noqdeen webiga ,waxaana weli magaalada ka maqan dadkii hore ugu barakacay Magaalada Baladweyne ee gobalka Hiiraan.