Uncategorized

Fatahaadda Wabiga Shabeelle ee Beladweyne oo sii fideysa.

Beladweyne-KNN-Maamulka Gobalka Hiiraan ee Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle ayaa walaac ka muujiyay Xaaladda kumanaan qoys oo ka barakacay xaafadaha Magaalada kadib markii ay saameysay fatahaadda Wabiga Shabeelle ee mara gobalka Hiiraan.

Maamulka gobalka ayaa sheegay inay ka walaacsan yihiin Fatahaadda Wabiga ay gaarto xaafado kale oo ka tirsan Beladweyne maadaama aysan isu dhigmin dadaalada socda iyo Fatahaadda Wabiga, waxa uuna dalbaday in loo soo gurmada Shacabka ku dhibaataysan Beladweyne.

Roobka Go’ga oo ka curtay Soomaaliya ayaa si xoog leh uga da’aya gobalada Soomaaliya waxaana meelaha qaar ku dhintay dad badan oo shacab ah, Gobalada ugu badan ee Roobka Saameeyay waxaa ka mid ah Hiiraan,Shabeelaha Dhexe,Gedo, magaalooyin iyo Gobalo ka tirsan Soomaaliland iyo Gobalo kale.