Hargeysa-KNN-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID ee Soomaaliland Faysal Cali Waraabe oo la hadlay Warbaahinta ayaa si aad ah u dhaliilay siyaasadda Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Faysal Cali Waraabe ayaa waxaa uu sheegay in dowladda soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo uu soomaaliland kala dagaalamayo dhanka Maciishada, taasina waxaa uu tilmaamay inay dhibaato kale keeni karto.
Guddoomiye Faysal ayaa Waxaa uu sheegay in labdii Madaxweyne ee ka horeysay Madaxweyne Farmaajo aysan tanoo kale sameynin in soomaalind laga dagaalamo dhanka maciishada. Faysal oo sii hadlayay ayaa waxaa uu sheegay in markab sida xoolo badan, una raran ganacsato soomaalind ah uu ku xayiranyahay dalka sacuudiga dowladda Soomaaliyana ay arintaansi ka dambeyso.