Somali News

FBI-da oo ka gaabsatay Kiiska Dilka Ganacsade Soomaali ah

Xafiiska Dambi Baarista ee Federalka Mareykanka ayaan ka sii qeyb qaadan doonin sidii loo soo bandhigi
lahaa mas’uuliyada cida sida rasmiga ah uga dambeysay dilka allaah u naxriistee Ganacsade Mohammed
Bashir Mohamoud oo u dhashay Soomaali balase haystay dhalashada Mareykanka kaa oo lagu dilay
dalka Kenya.
Baarayaasha kiiska dilkaan ayaa sheegaya in xafiiska uu dib uga laabtay baaritaanka, isagoo sheegay in
“ay tahay arin Kenya u gaar ah”.
Si sax ah uma cadda sababta FBI ay u qaadatay go’aanka adag. Qareenka qoyska Bashiir oo lagu
magacaabo Charles Madowo ayaa markii hore xaqiijiyay in mid kamid ah saraakiisha FBI-da Mareykanka
u soo bandhigeen maclumaadka marxuum Bashiir iyo shaqooyinkii uu ka haayay dalka Kenya.
Talaadadii, Qoyska Bashiir waxa ay ku guul dareysteen in laga jawaabo wicitaanadooda kooxaha gacanta
ku haaya Kiiska Wiilkoodi.
Warbaahinta Kenya ayaa siyaasabo kala duwan uga hadashay dhacdadan, taas oo weli aanan
gunteeda loo dhicin, lana helin raad rasmi ah oo muujinaya ciddii ka dambeysay dilka
ganacsadaha.
Baaritaano la sameeyay ayaa muujinaya in ganacsadaha la jirdilay ka hor inta aanan la ceejin.
Ma jiraan wax rasaas ah oo jirkiisa ka muuqata, waxaase jira garaafooyin u eg in dhulka lagu
jiiday.
Waxaana baaritaanka meydka marxuumka ku sameeyay madaxa dowladda Kenya u qaabilsan
baaritaanada meydadka.
Waxay muujinayaan in la jirdilay isla markaana meydkiisa lagu tuuray webiga Nyamidi ee mara
maamulka Kirinyaga.
Qareenka u doodayo marxuumka ayaa sheegay in baaritaanada lagu ogaaday in jirkiisa uu u
muuqday mid la gubay, dhaawacna uu kaga yaallay isha isla markaana ay u muuqato in bir lagu
garaacay.
Qareenka ayaa sidoo kale sheegay in dhaawaca gubasho ah uu ka muuqday meydka ay ugu
wacan tahay in toos loo gubay ama koronto lagu dhajiyay.