Somali News

Feyruska dilaaga ah ee ka dilaacay Shiinaha oo gaaray dhamaan gobolada dalkaasi.

Muqdisho-KNN-Feyruska  dilaaga ag ee Karono oo ka dilaacay gudaha dalka Shiinaha, ayaa lasheegay in uu ku faafay dhamaan gobolada dalkaasi.

Sidoo kale waxaa sara u kacay tirada u geeriyootay cudurkan, taas  oo haatan mareysa 170 ruux.

kiisaska feeraskan ayaa sidoo kale gaaray 7,711 kiis.

Masuuliyiinta Hay’adda caafimaadka dunida ee WHO, ayaa lagu wadaa in maanta oo khamiis ay marklae kulamo laqaataan masuuliyiinta Shiinaha, si loo xakameeyo feeriskan ay qatartiisu sii baaheyso.

Magaalada Wuhan oo ah halka uu ka dilaacay feeriskan ayaa dowladda dhawr ah waxa ay kala soo baxeen boqolaal muwaadiniintooda ah oo halkaasi ku sugnaa.