Somali News

Feysal Cali Waraabe oo eedeyn kala dul dhacay Dowladda Federaalka

Hargeysa-KNN-Guddoomiyaha Xisbi mucaaradka Somaaliland ee UCID Feysal Cali Waraabe oo Wareysi gaar ah siiyey Radio Kulmiye ayaa ka hadlay arimaha Soomaaliya iyo Somaaliland iyo xiriirkii ay dhowaan Dowladda federaalku u jartay dalka dhaca galbeedka Afrika ee Guinea.

Feysal oo eedeyn badan u jeediyey dowladda federaalka ayaa sheegay in aysan waxaba u arkin xiriirka ay dowladda Soomaaliya u jartay dalka Guinea,  maadaama sida uu sheegay ay Soomaaliya tahay dal aan awood u laheyn ilaalinta xuduudihiisa oo ay dowladdu ku koobantahay Muqdisho oo kaliya.

“Xamar oo kaliya ayey Canshuurayaan, oo ay mushaar ka qaadanayaan, oo ay kaligiis Ciidamo ku heystaan, aduunkana uma hanjabi karaan anagana waxba uma aragno ficilada ay ku kacayaan iyo xiriirka ay u jareen dalka Guinea,”ayuu yiri Feysal Cali Waraabe.

Dowladda Federaalaka Soomaaliya oo ka careysan casuumaad Madaxweynaha Dalka Guinea uu dalkiisa ugu sameyey Madaxweyna Soomaaliland ayaa sheegtay in ay xiriirka u jartay dalka Guinea oo ay ku eedeysay in uu ku xad gudbay wada jirka dhuleed ee Soomaaliya.