Hargeysa-KNN-Gudoomiyaha xusbiga mucaaradka ah ee ucid eng, feysal Cali Waraabe oo Khudbad u jeedinayay boqolaal ka mid ah taageerayaasha xisbigiisa ayaa soo hadal qaaday arimaha gobolka ay deriska yihiin ee puntland iyo sidoo kale Arimo ku wajahan dowlada dhexe ee soomaaliya
Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay in ka feysal ahaan hadii uu ku guuleysto jagada u sareysa ee maamulka Soomaliland Islamarkaana uu u tartamayo hogaanka omaliland qaban doono sida uu sheegay shirweyne uu ku heshiisiinayo siyaasiyiinta iyo madaxda soomaliya
Feysal ayaa sidoo kale digniin u jeediyay madaxda maamulka ay deriska yihiin ee puntland oo uu uga digay in ay fara gelin ku sameeyaan doorashada madaxtinimo ee Somaliland,hadii ay joojin waayaan ay tilaabo ka qaadi doonaan ,isagoona ku hanjabay hadii puntland isku daydo ay qabsan doonaan magaalada garoowe ee xarunta maamulka puntland