Somali News

Filibiin: Malaayiin qofood oo lagu amaray inay guryahooda joogaan + Sababta

Manila-KNN-Dowladda Filibiin ayaa bandow mar kale kusoo rogtay inta badan magaalooyinka dalkaas oo ay ku jirto magaalada caasimadda ah ee Manila, kadib markii uu mar kale ka dilaacay xanuunka Coronavirus.

Amar xafiiska madaxweynaha kasoo baxay ayaa lagu sheegay in dadka caasimadda ku nool iyo magaalooyinka kaleba ay khasab tahay inay guryahooda joogaan oo aysan ka soo bixin dhawrka todobaad ee soo socda.

Amarkaan waxaa uu saameynayaa 27 million oo qofood, kuwaas oo magaalooyinka la tilmaamay ku nool.              

Gaadiidka iyo diyaaradaha dalka gudahiisa isaga safra ayaa sidoo kale si ku meel gaar ah loo joojiyay, sida ku cad amarkan ka soo baxay xafiiska madaxweynaha dalka Filibiin.