Somali News

Finland oo lacag ugu deeqday Soomaaliya

Wasaaradda arimaha dibadda ee dowladda Finland ayaa Soomaaliya ugu deeqday lacag gaaraysa 8.1 milyan oo Yoorow oo dhiganta $8.9 milyan oo doolarka Mareykanka.

Lacagtan ayay dowladda Finland marsiinaysaa sanduuqa ay wadamada saaxiibka la’ah Soomaaliya ku taageeraan ee uu maamulo Bankiga Dunida.

Dowladda Finland ayaa sheegtay in lacagtan loo adeegsan doono dib u dhis lagu sameeyo hay’adaha dowliga iyo horumarka Soomaaliya.

Hadafka guud ee laga leeyahay arintan ayaa lagu sheegay in ay tahay mid ladoonayo in lagu xoojiyo nidaamka hay’adaha dowliga si ay ugu adeegaan shacabka Soomaaliyeed.

 Lacagahan ayaa lagu biirin doonaa lacag ay horay midowga Yurub ugu deeqeen dib u dhiska Soomaaliya, oo gaareeso afar milyan oo doolar iyadoona guud ahaan lacagta Soomaaliya loogu deeqay noqonayso $13.4 .

 “Waxaan ku faraxsan’nahay in aan Soomaaliya ka taageeray’nay dhanka horumarka laga soo bilaabo sanadkii 2012’kii” ayuu yiri Wasiirka Arimaha Dibadda Finland  Ambassador Erik Lundberg.

“Sikasta oo ay caqabaduhu u badan yihiin, gaar ahaan hubinta u adeegida dadka nugul iyo kuwa danta yar. Dowladda Finland waxaa ka go’an in masuuliyiinta Soomaalida ay ka caawiso caqabadahan si Soomaaliya dib loogu dhiso” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiirka Arimaha Dibadda ee dalka Finland.

Maamulaha Bankiga Aduunka qaybtiisa Soomaaliya Hugh Riddell ayaa dhankiisa sheegay in Finland ay door muhiim ah ka qaadato qorshaha uu Bankigu Dunidu ku caawiyo Soomaaliya.

Sanduuqa deeqaha Soomaaliya ee Bankiga Aduunka ayaa dib loo hawl galiyay bishii August sanadkii 2014’kii. Isagoona dowladda Soomaaliya ka taageerayo dib u dhiska, iyo sara ukaca dhaqaalaha.

Sanduuqan oo Bankiga dunida gacanta ku hayo ayaana keediyay lacag gaarayso $447 milyan oo ay ku deeqeen 11 dal oo ah kuwa deeqaha bixiyo.

Deeqda lacagta ah oo ay dowladda Finland ugu yaboohday Soomaaliya ayaa kusoo beegmaysa xilli magaalada New York uu ka bilawday shir waynaha guud ee Qaramada Midoobe oo ay ka qayb galayaan ku dhawaad 60 hogaamiye oo kasocda dalalka dunida.

Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmajo iyo Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad oo kulamo laqaatay madaxdaas qaar kamid ah ayaa sidoo kale lafilayaa in kulamo duceedyo kale laqaataan qaar kamid ah madaxda ka qayb galaysa kulanka si ay taageero ugu waydiiyaan Soomaaliya.