Muqdisho-KNN-Kooxda Fiorentina ayaa ku dhawaaqday inay la soo wareegtay ciyaaryahanka garabka uga ciyaara kooxda Everton Kevin Mirallas iyagoowarkaas ku qoraya warkaas website-kooda rasmiga ah.
31-jirkan garabka ka ciyaara ayaa ku biiray kooxda ciyaarta horyaalka Serie A iyadoo si amaah ah kula soo wareegtay xidigan. Isagoo saxiixay heshiis afarta sanno ah oo qiimihiisu yahay € 1 million.
“Fiorentina waxay ku dhawaaqaysaa saxiixa ku meel gaarka ah ee Kevin Antonio Joel Gislain Mirallas oo ka yimid Everton FC.”ayay Fiorentina ku sheegtay website-keeda rasmiga ah.
Mirallas waxuu dhashay 5tii Oktoobar 1987 magaalada Liege, dalka Belgium. Waxuuna saxiixay heshiis afar sanno ah kooxda uukula joogayo. “
Intii lagu jiray xirfadiisa, Mirallas waxa ay xirtay maaliyada Lilla, St. Etienne, Everton iyo Olympiacos,Ciyaaryahankan ayaa soogaari doono Florence maalmaha soo socda si uu tijaabada caafimaadka u maro.
Fiorentina ayaa sidoo kale ku dhawaaqeysa saxiixa Marko Pjaca saacadaha soo socda.