Somali News

Fiqi: “Galmudug waxay ku socotaa waddo ay ku dhismayaan maamullo is diidan”

Muqdisho-KNN-Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan golaha shacabka ayaa ka hadlay xaaladda maamulka Galmudug iyo ololaha siyaasadeed ee ka kala socda magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo ee Galmudug.

Fiqi ayaa sheegay in Galmudug ay hadda ku socoto waddo ay ku dhismi karaan laba maamul oo is diidan, haddii uusan tanaasulin Madaxweyne Xaaf.

Sidoo kale wuxuu ku baaqay in loo turo shacabka ku dhaqan gobollada Galgaduud iyo Mudug, si ay u helaan hal maamul oo samata bixin kara.

“Runtii Galmudug waxay ku socotaa waddo ay laba maamul oo isdiidan ku dhismi karaan,hadii uusan tanaasulin Xaaf,waxaana dalbdanayaa in shacabka loo turo oo hal maamul loo dhiso”. ayuu yiri Axmed Macalin Fiqi.

Ololihii ugu dambeeyey ee doorashada Galmudug ayaa ka socda gudaha magaalada Dhuusamareeb, kuwaas oo ay hor boodeyso dowladda federaalka, halka Gaalkacyo uu ka socdo olole kale oo uu horkacayo Madaxweyne Xaaf.

Waxaana labadaas maagaalo ku sii kala qul-qulaya siyaasiyiin iyo waxgarad dhanba dhanka kale uu saluugayo sida ay wax u wadaan, waxaana garab socda dadaallo aan taag badneyn oo xal loogu raadinayo khilaafka ka soo cusboonaaday dhismaha maamulkaas, kuwaas oo madaxweyne Xaaf loogu qancinayo inuu tan aasulo, balse weli ma guulaysan.