Somali News

Fiqi, “Is-casilaadda Xildhibaan Dhalac waxey bilaaw u noqon doontaa is-casilaado kale”

Muqdisho-KNN-Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan Xildhibaannada mucaaradka ku ah Xukuumadda federaalka ayaa sheegay in uu soo dhoweeyay is casilaadii Wasiir kuxigeenkii Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa xukuumadda Soomaaliya Cabdikariim Khaliif Dhalac.

Fiqi ayaa is-casilaada dhalac ku tilmaamay go’aan geesinimo leh oo taariikhi ah, “Waxaan bogaadinayaa go’aanka geesinnimada leh ee uu ku dhawaaqay Wasiir Xil. Abdikarim Khalif Dhalac ee uu isaga casilay xilkii Wasiir Kxg ee uu ka hayey xukuumadda Federaalka, waa go’aan taariikhda u galaya oo sababihiisa maangalka ah wata” ayuu yiri Xildhibaan Fiqi.

Isagoo sii hadlayay ayuu yiri xildhibaan Fiqi, “Madaxda Villa Somali lama shaqayn karo qof raba in karaamadiisa iyo mas’uuliyadda saaran Iin uu si wanaagsan u guto, waxaan rajaynayaa In tallaabada Mudane Abdikarim ay bilow u noqon doonto iscasilaado kale”.

Fiqi ayaa hadalkiisaan uu kaga hadlayo wasiir ku-xigeenkii wasaradda xanaanada xoolaha dhirta iyo daaqa waxa uu ku soo qoray bartiisa Facebook-ga, isagoo sheegay in madaxda federaalka arimaha ay ka wado Galmudug in ay yihiin kuwo baal marsan shuruucda dalka.