Sports

Florentino Perez: “Keylor Navas wuu sii joogi doona Real Madrid”.

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha Real Madrid Florentino Perez ayaa meesha ka saaray wararka sheegaya in goolhaye Keylor Navas laga yaabo in lagu iibiyo xagaaga suuqa kala iibsiga kana hayaamo kooxda Real Madrid.

Ka dib xilli ciyaareed xun oo horyaalka La Liga ah, Real ayaa la sheegayaa inay diyaar u tahay inay isbedel ku sameyso kooxdeeda ka hor xilli ciyaareedka soo aadan, warar soo baxaya ayaa sheegaya inay kooxdu suuqa ugu jirto goolhaye.

Goolhaye Untd David de Gea, shabaq ilaaliyaha Chelsea Thibaut Courtois iyo Alisson oo Roma u ciyaara ayaa dhamaantood lala xiriirinayay inay ku biirayaan Bernabeu, laakiin Perez ayaa soo jeediyay in kooxda horyaalka La Liga ay kalsooni ku qabaan goolhayahooda Navas.

Perez ayaa yiri: “Waan ku faraxsanahay inaad tahay goolhayaheena, wax walba oo ay dadku dhahaan hamaqal, si adag u shaqee, waana hubaal inaad nala joogi doonto sannado badan oo dheeraad ah.”

Shabaq ilaaliyaha xilka qaranka reer Costa Rica ayaa 136 kulan u saftay tartamada oo dhan tan iyo markii uu ku biiray Real 2014.

Qalinkii:Aadam Aqyaar