Somali News

Foolkaanooyin hor leh oo laga digayo dalka Filibiin

Muqdisho-KNN-Madaxda sare ee Filibiin waxay ka digayaan foolkaanooyin hor leh oo sameeya duleedka caasimada dalkaasi  ka dib saacadihii lasoo dhaafay deegaanka Taal Volcano ee caanka ku ah macdanta ay godadka kasoo baxayaan wax u eg dambas kaa oo saamayn balaaran ku yeeshay caasimada.

Mas’uuliyiinta dalka Philippine ayaa ku booriyay ciidamada dalkaasi”in si buuxda looga daadgureeyo caasimada ku dhawaad hal milyan oo dad ah kadib markii ay soo baxday cabsi ku saabsan in foolkaano ay ka qaraxdo duleedka magaalo madaxda Manila,

Hawada waxaa saameeyay uuro aad u xoogan duulimaadyada ayaa gabi ahaanba la joojiyay dowladdana waxaa ay uga gol leedahay daad guraynta shacabka in musiibo qaran aysan arinta isku badalin.

Volcano Taal, xarunta lagu macagaabo oo qiyaastii 60 kiiloo mitir iyo 37 mayl  koonfur ka xigta Manila qaybna ka ah  jasiiradda Luzon, waa mid ka mid ah deegaanada dadka ay goor sii horaysayba si wayn uga baraceen balse wakaaladaha wararka dunida ayaa qoraya in hadii saacadaha soo coda aan la daad gurayn dadka ay saamayn ku yeelan karto hawada sii wasaqoowaysa.

Dadka darsa qataraha ka imaan kara foolkaanada ayaa sheegaya in dhulka haatan dabaylaha ay saamaynta xoogan ku yeesheen saacadaha ama maal maha soo socda ay kasii qarxi karaan foolkaanooyin.