Somali News

Francisco Madeira iyo Gudddoomiyaha Gobalka Shabeellada Hoose oo ka wadahadlay dagaalka Al-Shabaab.

Muqdisho-KNN-Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Hoose Ibaarim Aadan Najax iyo ku xigeenkiisa dhanka Maaliyadda ayaa magaalada Muqdisho Kulan kula qaatay Ambassador Francisco Madeira, wakiilka gaarka ah ee midowga Africa u qaabilsan arimaha Soomaaliya.

Kulanka Goddoomiye Ibaarim Najax iyo Ambassador Francisco Madeira ayaa looga hadlay xoojinta Howlgallada ka dhanka Argaggixisada Al-shabaab ee kasocda Gobolka shabeellada Hoos.

“Balantu waa ciidamada xooga dalka, kuuwa AMISOM iyo maamulka gobolka inay xoojiyaan iskaashiga ka dhaxeeya si iftiinka dowliga loo gaarsiiyo meel walba oo ka mid ah gobolka shabeelaha hoose”ayuu yiri Ibaarim Najax Guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in sanadkaan 2019-ka ay Alshabaab ka xoreydoonaan qeybaha ay kaga harsanyihiin  Gobolka shabeellada Hoose.