Jigjiga-KNN:-Warar dheeraad ah ayaa wali kasoo baxaya Xaaladda Jigjiga ay Saakay ku waabriisatay.
Masuulkii ugu horeeyay ee Maamulka Dowlad deegaanka ayaa hadlay waxa uuna Sheegay in dhamaan Goobihii ay ku shaqeeynayeen ay la wareegeen Ciidamada Federaalka Itoobiya.
Gudoomiyaha Barlamaanka Dowalad deegaanka Mudane Maxamed Rashiid Isaaq ayaa Sheegay in Goobaha lala wareegay ka sokoow aysan meelna ku sheegin Madaxweeyne Mudane Cabdi Maxamed Cumar.
Sidoo kale waxa uu Gudoomiye Maxamed Rashiid intaa ku daray in aysan ogeyn Sababta Keentay in Dowaladda Federaalka Itoobiya ay sidan Sameeyso.
Xaaladan waxa ay u egtahay Afgambi, walisa xaalkoodu kalama cadaan Magaalada rabshado gacan ka hadal wata ayaa isqabsaday meel walba xaalkuna waa Alloow Sahal.
Meelaha lala wareegay waxaa kamid ah xaruntii Taliska, Tv-ga Dowald deegaanka, Iyo Goobta loo yaqaano Qaryan Dhoodaan oo ah rug dadka lagu madadaaliyo.
Wixii kusoo Kordha Raadiye Kulmiye kala Soco.