Somali News

G/Garsoorka Hiiran oo kasoo horjestay kala diriddii garsoorka Hirshabeelle

Beledweyne-KNN-Garsoorka gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka ayaa waxa ay kasoo horjeesteen dhawaan kala diriddii barlamaanka Hirshabeelle uu ku kala diray gudiggii Garsoorka maamulkaasi.

Gudoomiyaha Maxkamadda racfaanka gobolka Hiiraan mudane Ibraahim Xasan Cabdulle oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in ay sharci darro tahay kala diriddii barlamaanka Hirshabeelle uu ku sameeyay gudigii gargaarka.

Gudoomiye Ibraahim ayaa ku eedeeyay in kala diridda gudigaa uu ka danbeeyo wasiirka cadaaladda Hirshabeelle, waxa uuna ku adkeystay in shaqadooda ay sii wadan doonaan.

Barlamaanka Hirshabeelle ayaa dhawaan kala diray gudigii garsoorka maamulkaasi, kadib markii ay sheegeen in wasiirka cadaaladda uusan la imaan qaab uu ku sii shaqeyn karo nidaamka cadaaladda ee maamulka.