Muqdisho-KNN-Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada degmada Hiliwaa ee gobolka Banaadir Abshir Kaaraan ayaa maanta ka bad baaday Qarax Miino oo lala beegsay Gawaari uu la socday.
Guddoomiyaha ayaa lagu weeraray agagaarka Shineemo Cabdi Waayeel ee degmada Hiliwaa, inta la xaqiijiyay laba Askari oo ka mid ahaa ilaa ladiisa ayaa ku dhaawacmay, Askartaas oo la sheegay in uu fudud yahay dhaawacooda.
Maalmihii dambe ayaa waxaa sii kordhayay Qaraxyada iyo weerarada ka dhaca magaalada Muqdisho, kuwaas oo mas`uuliyadooda inta badan ay sheegtaan dagaalameyaasha Al-shabaab.