Ciidamada amaanka ee Muqdisho Gaar ahaan kuwa ka howgala degmada Wadajir ayaa waxaa la sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen Sarkaal Sare oo katirsan Xarakada Al-Shabaab.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisoow ayaa warkan u xaqiijiyay Warbaahinta waxa uuna Gudoomiyuhu Sheegay in howlgkan ka dhacay degmadaasi ay Ciidanku kusoo qabteen Sarkaal ka tirsanaa Shabaab.
Eng Yariisoow ayaana Warfidiyeenada la wadaagin Magaca Sarkaalka lasoo xiray, dhanka kale Gudoomiyaha ayaa Mahadnaq usoo jeediyay Ciidamadii gacanta kusoo dhigay Sarkaalkan.
Muqdisho amaankeeda Isbadal badan ayaa lagu sameeyay inkasta oo wali Xaaladdii amni darro ay ka jirto Magaalada.


