Somali News

Gaadiid badan oo ku xayiran Shabeellada Dhexe.

Saacadihii  la soo dhaafay ayaa  waxaa ay  Roobabkii guga  ka da’ayey qeybo ka mid ah gobolka Shabeellaha Dhexe taas oo sababtay in Wadooyinka qaar ee  uu roobka xiro,isla markaana gaadiidka qaarkood ay Ku Xayirmaan magaalooyinka qaar .

Wadada xiriirisa Balcad iyo jowhar ayaa la sheegay in haatan ay ku xayiran yihiin Gaadiid farabadan, kuwaasi oo isugu jira kuwa dadka weynaha iyo gaadiidka xamuulka qaada.

Qaar ka mid ah darawalada gaadiid ee isticmaala wadadaasi ayaa KNN u sheegay in ku dhawaad 70 gaadiid ay ku xayiran yihiin wadada isku xirta magaalada Jowhar iyo Balcad ee gobolka Shabeellada dhexe.