Somali News

Gaadiid uu la socday guddoomiye Shuute oo la qarxiyay

Muqdisho-KNN-Kolonyo uu la socday guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa la sheegay in maanta lagu qarxiyay waddada xiriirisa Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.

Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in qaraxa uu ahaa miino la dhigay waddada dhinaceeda, taas oo lala bartilmaameedsay gaadiidkan oo ka yimid dhanka gobolka Shabeellada Hoose.

Saraakiil ka tirsan Xafiiska Gudoomiyaha Maxkamada derada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa KNN u sheegay in guddoomiyaha uu ka badbaaday qaraxa lala eegtay, Waxaana la sheegay in weerarka qaraxa ah ee lala beegsaday Gudoomiyaha uu ku burburay Gaarigiisa, sidoo kalena ay waxyeelo ka soo gaartay askar ka tirsan ilaalada guddoomiyaha.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in guddoomiye  Shuute uu  Xalay ku hoyday Xeradda Ceel Saliini ee gobalka Shabeellada Hoose.

Ilaa iyo hada KNN ma xaqiijin karto khasaaraha ka dhashay qaraxaasi.

Deegaanka Ceel saliini ee Gobalka Shabeellada Hoose ayaa dhawaan waxaa ka dhacay weerar ku bilowday qaraxyo oo ay dagaalamayasha Al-Shabaab ay ka fuliyeen deegaankaasi, islamarkaana hubka iyo gaadiid badan ay ku qabsadeen dagaalkii ka dhacay deegaankaasi, sidoo kalana ay ku dileen askar ka tirsan militariga soomaaliya.

Waa qaraxii sedexaad oo sidan oo kale mudo labo todobaad ka dhaco wadada xiriira Muqdisho  iyo Afgooye, iyadoona wadadaasi dhawaan lagu weeraray saraakiil ka tirsan turkiga oo waday dhismaha wadadaasi.